Guddiga Midowga Afrika ee Suudaan, oo uu martigeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ahna Guddoomiyaha Kal-fadhiga hadda socda ee Urur-goboleedka IGAD, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Xallinta Colaadda Suudaan, Dr. Maxamed Ibnu Chambas.
Booqashada Dr. Mohamed Ibn Chambas ee Djibouti ayaa ku soo beegantay socdaal uu gobolka ku marayo, isagoo la kulmaya madaxda dalalka gobolka, ujeeddaduna tahay inuu la tashado oo uu ka dhegaysto sidii loo dardargelin lahaa qorshaha nabadda ee Midowga Afrika si looga faa’iidaysto. Suudaan, oo ay ka jiraan colaado walaalo ah.
Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxa Urur Goboleedka IGAD, iyo Diblomaasiga Afrika ayaa waxa ay dib u eegis ku sameeyeen siyaabaha suurtagelinaya in si weyn la isu waafajiyo, lagana wada xaajoodo hindisayaasha kala duwan ee lagu bilaabay heer gobol, qaarad iyo heer caalami. si loo soo celiyo nabadda iyo xasiloonida Suudaan.
Wada-hadalladan ayaa waxaa ka soo baxay is-afgarad ay labada dhinac ku heshiiyeen oo ku aaddan baahida loo qabo in dhinacyada isku haya dalka Suudaan loogu yeero xabbad-joojin inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in baaq loo diro dhinacyada isku haya Suudaan, iyadoo laga duulayo mabda’a ah in la ballaariyo xabbad-joojintii la raacay bishii Ramadaan, lagana dhigo xabbad-joojin joogto ah.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Suudaan Mudane Ciise Khayre Rooble iyo La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Marwo Fathia Jaamac Aden.

La wadaag

Wararka la xidhiidha

Faallooyinka

Faallo Lama Helin