Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau oo khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Guinea-Bissau oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti. Amr Sissoko Embalo, ayaa khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka, xilli uu ku guda jiray kulan guud oo ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka.
Khudbadan ayuu Madaxweyne Camir Embalo ku tilmaamay booqashadiisa Jabuuti mid muujinaysa sida qotoda dheer ee dalkiisu uga go’an yahay inuu ka shaqeeyo sare u qaadida heerka xidhiidhka ganacsi iyo iskaashiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweyne Amr Embalo ayaa yiri: "Guinea Bissau iyo Jabuuti waxay mar walba ka wada shaqeynayeen dhinac, hay'adaha caalamiga ah iyo ururada, hadday ahaan lahayd Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka ama Midowga Afrika."
Madaxweyne Embalo waxa uu ammaanay doorka muhiimka ah ee ay Djibouti ka ciyaarto ilaalinta nabadda iyo xasiloonida, waxaanu yidhi “Xiliyadan xasaasiga ah ee ay ka jiraan qalalaasaha siyaasadeed iyo caqabado badan oo khatar ku ah amniga iyo nabadda adduunka, Djibouti waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa horumarinta wadahadalka. dhexdhexaadinta iyo isu soo dhawaynta dhinacyada dirirtu dhexmartay.”

La wadaag

Wararka la xidhiidha

Faallooyinka

Faallo Lama Helin