Furitaanka Kalfadhiga toddobaad ee Madasha Wax-garadka Soomaaliyeed

Talaadadii la soo dhaafay, Xarunta Golaha Shacabka waxaa lagu qabtay Xafladdii furitaanka Kalfadhiga toddobaad ee Madasha Wax-garadka Soomaaliyeed, iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Horumarinta Dhaqanka Nabadda iyo Nabad-ku-wada-noolaanshiyaha Deegaanka”. Furitaanka madashan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo Wasiirka Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta Mudane Momen Xasan Barre. Tiro wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, Safiirka Jabuuti u fadhiya Muqdisho, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka Soomaaliya ee dalkeenna, Mudane Salaad Cali Geelle, iyo agaasimaha Machadka Heritage, Mudane Mursal Sunni. marka laga soo tago mas’uuliyiin sarsare, waxgarad, aqoonyahanno, iyo macalimiin jaamacadeed, kuwaas oo ka kala yimid gobollada ay degto Soomaalida ku nool dalalka gobolka iyo weliba qurba-joogta.
Shirkan ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqanka nabadeed ee Geeska Afrika, kaasoo saameyn ku leh bulshada gobolka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed. Madashan ayaa sidoo kale ka kooban madal lagu falanqeeyo siyaabaha kor loogu qaadayo dhaqanka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan cilmi-baarayaal Soomaaliyeed, aqoonyahanno, qoraayaal, siyaasad-dejiyayaal iyo xirfadlayaal kale oo daneynaya. Iyo sidoo kale falanqaynta dhibaatooyinka aasaasiga ah ee gobolka iyo raadinta xalal waara oo iyaga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku bogaadiyay martigelinta Jabuuti howlaha shirka, isagoo xusay in shirkan uu muhiimad weyn u leeyahay bulshada gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta madasha doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaateen baahinta cilmi baarista iyo daahfurka siminaaro wax ku ool ah oo la xiriira bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.
Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa bogaadiyay doorka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu ka qaadanayo nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa dhankiisa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta iyo waxgaradkii ka soo qeyb galay madasha, isagoo u rajeeyay in ay ku sii nagaadaan dalkooda labaad ee Jabuuti. Waxa kale oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka madashan sannadlaha ah ee Machadka Heritage.
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi: “Waxaan ku faraxsanahay in aanu ka soo qayb galno madashan machadka Heritage, anagoo carabka ku adkaynayna sida ay Djibouti oo uu hogaaminaayo madaxweynaha jamhuuriyada mudane xaaji ismaaciil cumar geelle ay ugu heelan tahay sidii ay u kafaala qaadi lahayd una garab istaagi lahayd lixdii sano ee la soo dhaafay.
Xigasho: Wargeyska Al-Qarn

La wadaag

Wararka la xidhiidha

Faallooyinka

Faallo Lama Helin