Kenya waa bilaa fiisaha bilowga 2024

Madaxweynaha Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay go’aansatay inay meesha ka saarto shuruudihii dal ku galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee soo booqda laga bilaabo Janaayo 2024-ka.

Khudbad uu ka jeediyay xuska 60-aad ee maalinta jamhuuriyadda oo lagu qabtay beerta Uhuru ee magaalada Nairobi ayuu Ruto ku sheegay in laga bilaabo Janaayo 2024-ka ay Kenya noqon doonto dal aan dal ku gal laheen.

Waxa uu xusay in ogolaanshaha socdaal ee elegtarooniga ah la siin doono muwaadiniinta ajaanibka ah ee soo booqanaya Kenya, isaga oo intaa ku daray in nidaamka dal-ku-galku uu yahay mid la jaan qaadaya dadaalka maamulkiisa uu ugu jiro horumarinta dalxiiska iyo ganacsiga aan xuduudka lahayn.
Madaxweyne Ruto ayaa ku baaqay in la joojiyo fiisaha dal-ku-galka Afrikaanka ee dalkiisa booqanaya si ay u gaadhaan ajendaha is-dhexgalka ee qaaradda tan iyo markii uu xukunka qabtay Sebtembar 2022.
Kenya ayaa noqotay waddankii labaad ee Afrika ku yaalla ee xudduudaheeda furo dhawaan. 3 Noofambar 2023 Rwanda waxay ku dhawaaqday socdaal bilaa fiisaha ah oo dhammaan Afrikaanka ah.

La wadaag

Wararka la xidhiidha

Faallooyinka

Faallo Lama Helin