Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo shir madaxeedka IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, kaasoo maanta oo Sabti ah ka furmaya magaalada caasimadda ah ee Jabuuti.

Shir madaxeedka ayaa looga hadli doonaa xasaradda Suudaan, taageeridda wada xaajoodka Jeddah, xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, iyo wax ka qabashada arrimaha quseeya dalalka xubnaha ka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu kulamo dhinac ah la qaato madaxweynayaasha iyo madaxda ka qeyb galeysa shirkan si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac ee Soomaaliya.

La wadaag

Wararka la xidhiidha

Faallooyinka

Faallo Lama Helin