Wasiirka Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta oo qaabilay Safiirka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Moamen Hassan Berri ayaa Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Falastiin u fadhiya dalka Jabuuti Dr. Ruwaid Abuu Amsha.
Bilowgii kulanka ayaa danjire Abu Amsha waxa uu wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Gaza iyo kordhinta gardarada Israel ay ku hayso shacabka Falastiin.
Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Jabuuti ay ka taagan tahay qadiyadda Falastiin, isla markaana ay garab taagan tahay xaqa ay shacabka reer Falastiin u leeyihiin xoriyadda iyo sidii ay u heli lahaayeen dowlad madax bannaan. Oo canbaareeya dambiyada ay gumaysato Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.
Dhankiisa danjire Abu Amsha waxa uu mahad-naq iyo bogaadin u soo jeediyay wasiirka arrimaha islaamka iyo owqaafta, dardaaranka uu u jeediyay imaamyada iyo mashaa’iqda masaajida in ay ka hadlaan qadiyada falastiin iyo in ay u duceeyaan falastiin salaad kasta.

La wadaag

Wararka la xidhiidha

Faallooyinka

Faallo Lama Helin