Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo gebagebeysay howlihii todobaadka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee heer Qaran

Waxaa lasoo gaba gabeeyay howlihii todobaadka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee heer Qaran oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka.
Haddaba, Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilawday waxqabadyo isku dhafan oo lagu kobcinayo tilmaamayaasha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, oo ay ku jiraan adeegyada bilaashka ah, sida tallaalka carruurta ka yar laba sano.
Kooxaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku talo jira in ay booqdaan dhammaan xarumaha caafimaadka iyaga oo u jeeddadoodu tahay in ay hubiyaan in dhammaan goobaha tallaalka laga sameeyo, iyo sidoo kale xaafadaha shaqaalaha.
Hadafka kooxahani waa inay tallaalaan dhammaan carruurta aan la tallaalin ama aan dhammaystirnayn ee ka yar da'da laba sano.
Marka laga soo tago xarumaha caafimaadka bulshada iyo rugaha caafimaadka, waxaa sidoo kale laga samayn doonaa goobo wareegta oo laga hirgelin doono xaafadaha kala duwan ee magaalada Jabuuti.
Ujeeddadu waa in la abuuro xaalado wanaagsan si ay isula jaanqaadaan dadweynaha iyo adeegyada caafimaadka.

La wadaag

Wararka la xidhiidha

Faallooyinka

Faallo Lama Helin