
Wafdi ka socda baarlamaanka Jabuuti ayaa cambaareeyey dambiyada Sahyuuniyadda ee Gaza.
- admin
- Talaada , 2 Janaayo 2024 18:16 PM GMT
Baarlamaanka Carabta ayaa kulan deg deg ah oo ku saabsan qadiyadda Falastiin ku yeeshay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.
Wafdiga baarlamaanka Jabuuti oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Ibraahim Axmed Cabdoo, ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo shacabka reer Falastiin iyo aamusnaanta ceebta ah ee beesha caalamka oo ku aaddan rabitaan la’aanta ah inay si go’aan ah xabad-joojin u sameeyaan.
Wafdigan ayaa walaac xooggan ka muujiyay siyaasadda guban ee dhulka iyo ciqaab wadareed ay dowladda Sahyuuniyadda Israa’iil ku hayso shacabka reer Falastiin ee ku sugan marinka Qasa ee go’doonsan.
Baarlamaanka ayaa gaaray qaraar looga gol leeyahay in lagu kordhiyo gargaarka la siiyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.
Waxaa xusid mudan in wafdiga baarlamaanka Jabuuti ay ka mid ahaayeen: Wakiilada Abdou Kamel Mohammed, Mahmoud Hassan Farah, Ali Zaid Ahmed.
Faallo Lama Helin